Sign in to follow this  
Deeq A.

Cumar Filish oo digniin u diray gudoomiyeyaasha

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa wuxuu u sheegay gudoomiyeyaasha degmooyinka in lala xisaabi doono.

Cumar Maxamuud Maxamed ayaa tilmaamay in gudoomiyihii degmadiisa ay ka dhacaan falal liddi ku ah amniga lana tacalai waaya xilka laga qaadi doono.

Si gaar ah wuxuu tibaaxay in maamulkii degmadiisa ay ka dhacaan dil isla markaana soo qaban waaya gacan ku dhiigleyaasha xilka laga qaadi doono.

Dhinaca kale, Cumar Filish ayaa wuxuu ku booriyey ciidanka ammaanka in ay door wanaagsan ka cayaaraan sidii loo xaqiijin lahaa nabad-gelyadda.

Hadalkan ayaa wuxuu ka sheegay kulan uu la qaatay saraakiisha ammaanka ee ku howlan sugitaanka iyo xasilinta amniga magaala madaxda waddanka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this