Sign in to follow this  
Deeq A.

Britain: Nin Soomaali Ah Oo Lagu Xukumay Xabsi Daa’in

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Manchester)-Nin Soomaali ah, oo isku dayay inuu dilo saddex qof, oo uu ku jiray askari ka tirsan booliska Britain ayaa lagu riday xukun xabsi daa’in ah.

109913330_mahdimohamudcomp.jpg

Mahdi Maxmuud ayaa falkaas ku geystay weerar uu toorri u adeegsaday oo ka dhacay goob tareennada laga raaco oo ku taalla magaalada Manchester.

Ninkan 26 jirka ah, ayaa toorri la dhacay lammaane wada socday, ka dibna wuxuu weeraray askari lagu magacaabo Lee Valentine, oo ka howlgalayay Manchester Victoria, dabayaaqadii sannadkii lasoo dhaafay.

Waxaa hore loogu sheegay in 11 sano oo xabsi ah lagu xukumi doono ka dib markii uu qirtay saddex nooc oo dambi ah, oo dhammaantood la xidhiidha isku day dil iyo fal argagixisanimo ah. Maxkamadda Manchester Crown ayaa ku dhawaaqday xukunka.

Maxamuud ayaa marka hore lagu xidhi doonaa meel ka mid ah cisbitaal amnigiisa si weyn loo adkeynayo.

Garsoore Stuart-Smith, oo ku dhawaaqay xukunka ayaa sida ay wax u dhaceen u sheegay Mahdi, oo daggan xaafadda Cheetham Hill ee magaalada Manchester, wuxuuna ku yidhi ; “Waxaad adigoo si daggan ugu dhex socda goobta tareennada laga raaco aragtay lammaanaha”.

“Kadib waad daba raacday, waxaad lasoo baxday mid kamid ah toorriyahaaga waadna ku weerartay. Waxaad weerartay adigoo damacsan inaad disho”, ayuu yidhi garsooraha.

Garsooraha ayaa sheegay in dhibaatooyin dhinaca maskaxda ah ay ninkan u horseedeen inuu ku fikiro arrimo jihaadi ah, laakiin uu qaadan karay mas’uuliyadda buuxda ee weerarka uu geystay.

Maxamuud ayaa marka cisbitaalka laga saaro loo gudbin doonaa xabsi uu noloshiisa ku dhameysan doono.

Maxkamadda ayaa horay loogu sheegay in Maxamuud uu daba socday lammaanaha, oo da’dooda lagu sheegay 50-meeyo, abaare saacaddu markii ay ahayd 21:00 GMT, 31-kii bishii December.

Wuxuu ku dhawaaqay erayada “Allahu Akbar” iyo “ha noolaado khaliifada”, kadibna wuxuu ku weeraray toorri.

13 dhaawac oo ninka haweeneyda la socday soo gaaray ayaa waxaa ka mid ah jab, halka haweeneydana dhaawaca wajigeeda ku dhacay uu gaadhay ilaa lafta.

Mr Valentine, oo 31 jir ah ayaa rasaas ku riday Mahdi, balse waxay ku hakatay jaakaddiisa, mana aysan curyaaminin.

Askariga oo ka tirsanaa booliska gaadiidka ee Britain ayaa garabka laga tooriyeeyay ka hor inta aan ninka weerarka fulinayay la xidhin.

Middi kale oo nooca jikada lagu isticmaalo ah ayaa laga helay Mahdi jeebkiisa, booliska Manchester ayaana sheegay inay sidoo kale ka heleen waxyaabo badan oo muujinaya fikradaha argagixisada.

Afar askari, oo uu ku jiro Mr Valentine (qofka labaad ee dhinaca bidix) iyo labo shaqaale oo kale
Maxamuud, oo heysta dhalashada Netherlands, asal ahaanna kasoo jeeda qoys Soomaali ah, ayaa UK tagay isagoo 9 jir ah, waxaana lagu xagjireeyay dhinaca internet-ka, sida ay booliska ku warrameen.

Det Supt Will Chatterton ayaa yiri: “Kani wuxuu ahaa weerar argagax leh oo dhacay mid ka mid ah maalmaha ugu mashquulka badan sanadka waana ogahay in dadka waxyeelladu gaartay ay waligood xasuusnaan doonaan arrintaas.

“Shaki kuma jiro waxa dhici lahaa haddii uu Maxamuud adeegsan lahaa middida weyn ee ku jirtay jeebka jaakaddiisa”.

Maxamuud aabihiis, oo warqad u diray garsoorka maxkamadda, ayaa sheegay in qoyskiisu ay dadka dhaawacmay u duceynayeen tan iyo markii uu dhacay weerarka “argagaxa” leh, wuxuuna sheegay inuu aad uga mahadcelinayo jawaabta degdegga ah ee ay ciidanka amnigu bixiyeen.

Wuxuu intaas ku daray in qoysku ay aad uga “argagaxeen”, ayna “naxdin weyn” dareemeen markii ay maqleen waxa uu wiilkiisa sameeyay, isagoo sheegay in haddii uusan dhibaato dhinaca maskaxda ah qabin uusan sameyn lahayn ficil noocaas ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this