Sign in to follow this  
Deeq A.

Waddada isku xirta Jowhar iyo Balcad oo Go’day

Recommended Posts

Deeq A.   

Roobab ka da’ay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe iyo wabiga oo fatahay ayaa horseed u noqday inay go’aan waddooyin xiriiriya degmooyinka Jowhar, Balcad iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolkaasi.

Arrintan ayaa waxa ay sababtay inaysan dadka isku gudbin, ganacsigii iyo noloshii kale ee caadiga ahaana hakad uu ku yimaad.

Mid ka mid ah dadka deegaanadaasi oo Shabelle la hadlay ayaa sheegay in halka waddo ee hadda furan ay tahay Badda, taas oo halisteeda leh.

Roobab dhowaanahaan ka da’ayey gobolka Shabeelaha Dhexe iyo wabiga oo qararka jabsaday ayaa saameyn ku yeeshay isku socodkii dadka iyo gaadiidka.

Dhanka kale dad badan ayaa ka barakacay guryahooda, si aysan biyuhu noloshooda u galaafan.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka HirShabelle ayaa magacaabay dhowaan guddiyo ka shaqeeya gurmadka loo fidinayo dadkaasi, hase’ahaatee weli waxaa moodaa inaysan joogsan qeylo dhaanta ka soo yeereysa bulshadaasi dhiban.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this