Deeq A. Posted November 27, 2019 War ka soo baxay xubnaha beesha caalamka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka ee maamulka gooni isu taaga ah ee Somaliland. Qoraalkan ayaa ugu horreyn waxaa lagu sheegay in beesha caalamku ay si xoogan uga walaacsan tahay xaaladda guud ee Somaliland, gaar ahaan dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee haatan ka jira magaalada Hargeysa ee Caasimadda maamulkaasi. Sidoo kale warkan ayaa lagu sheegay in xubnaha dalalka caalamka ay si aad ah uga xun yihiin muddada labada sano ah ee loo kordhiyey labada gole ee Somaliland. Warbixinta ka soo baxday beesha caalamka ayaa waxa sidoo kale looga digay dibdhac uu ku yimaado doorashooyinka baarlamaanka iyo mida deegaanka ee maamulkaasi. ”Waxaan ka walaacsanahay dib u dhaca doorashooyinka iyo dhacdooyinkii ka dhacay Somaliland in ay si weyn u wiiqaan sumcadda dimoqraadiyadeed ee Somaliland iyo heerka caalamiga ah. Sidoo kale, waxaan si aad ah uga walaacsanahay xariga u muuqda mid aan sharciga ku dhisneyn iyo xayiraadaha kordhaya ee xorriyadda hadalka.” ayaa lagu yiri warbixinta. Ugu dambeyn qoraalka ka soo baxay beesha caalamka ayaa waxaa lagu sheegay in looga baahay xisbiyada mucaaradka iyo xukuumadda in la ixtiraamo heshiiskii labada dhinac ee la gaaray bishii Luulyo ee sanadkaana 2019-ka, si loo qabto doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ka dhaca deegaanada maamulka Somaliland. View the full article Share this post Link to post Share on other sites