Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Wasiir Sabriye oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha XFS, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb halkaas oo soo dhaweyn loogu sameeyey.

Sabriye ayaa lagu wadaa inuu kulan gaar ah la qaato hoggaanka Ahlu Sunna oo weli tabasho ka muujinaya hanaanka dowladda ee maamul dhisida Galmudug.

Sidoo kale wuxuu wasiirku la kulmi doonaa guddiga farsamada oo dhowaan shaaciyey jadwalka doorashada ee dowlad goboleedka Galmudug.

Dhinaca kale waxaa magaalada Dhuusamareeb laga mamnuucay in lagu qabto shirarka siyaasadeed ee looga soo horjeedo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Amar ka soo baxay laamaha amniga ee degmadaasi oo lagu wargaliyey milkilayaasha hoteelada ayaa lagu sheegay in haatan wixii ka dambeeya aan hoteeladooda lagu qaban karin shirar aysan ogeyn saraakiisha hay’adaha ammaanka ee dowladda Dhexe.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

44 11 22 33

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this