Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Caalamka oo walaac weyn ka muujisay xaaladda Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   
joint_statement_som_15.png?w=1000&ssl=1

Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka ayaa walaac weyn ka muujisay muddo kororsigii ay dhawaan sameysteen labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland

Qoraal ay wada jir u soo saareen Qaramada Midoobay, Urur gobolleedka IGAD, Midowga Yurub, Ingiriiska, Mareykanka, Jarmalka, Norway, Ireland, Belgium, Sweden, Denmark, Netherlands, Finland, France, Italy, Greece iyo Switzerland ayaa lagu sheegay walaaca ay qabaan dalalka Somaliland ka taageera horumarka iyo dimuqraadiyadda ee ku saabsan dib u dhaca doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanka.

Beesha Caalamka ayaa xustay in sida kaliya ay ku sii wada shaqeyn karaan Somaliland ay tahay in doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanka lagu qabto wakhtigii horey loogu ballamay ee sanadka soo socda 2020-ka.

Beesha Caalamka ayaa xustay in uusan jirin dal dimuqraaddi ah oo golayaashiisa Wakiiladda ay muddo intaas la’eg doorsho la’aan ku fadhiyaan kuraasta.

Waxay Beesha Caalamku ugu baaqday Somaliland in ay dhisto Guddi doorasho oo qabta doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanka, ayna qeyb ka yihiin dhammaan jilayaasha siyaasadda Somaliland.

 Sidoo kale Beesha caalamku waxay walaac weyn ka muujiyeen xariga sii kordhaya iyo xadidida xorriyatul qawlka ee Somaliland.

PUNTLAND POST

The post Beesha Caalamka oo walaac weyn ka muujisay xaaladda Somaliland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this