Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacad Xariiri Oo Ka Hadlay Warar Sheegaya In Uu Markale Qaban Doono Xilka Raysal Wasaaraha Lubnaan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Lubnaan)-Raysal wasaaraha xilka ka sii dagaya ee Lubnaan Saciid Xariiri ayaa ku dhawaaqay salaasadii shalay in aanu dooneyn in uu hoggaamiyo dowlada xigta.

SACAD-XARIIRI.jpg

Arintaan ayaa imaaneysa iyadoo ay soo baxayeen maalmihii la soo dhaafay warar sheegaya in uu soo dhisi doono dowlad wadaag ah oo samatabixin karta dhaqaale la’aanta ka jirta Lubnaan.

Mr Xariiri ayaa is-casilay bishii la soo dhaafay kadib dibadbaxyo waaweyn oo ruxay dalkaasi kuwaasi oo shacabka ay ku dalbanayeen in maamulka talada hayo uu xilka ka dago.

Tan iyo 29-kii bishii October ayaa xisbiyada siyaasadda waxay ku kala qeybsameen raysal wasaaraha xiga ee la soo magacaabi doono iyadoo dhowr musharrax ay xilka u soo Istaageen.

Warar laga helay qasriga looga arimiyo Lubnaan ayaa sheegaya in maalinta Khamiista ah uu madaxweyne Michel Aoun kulan la qaadan doono guddiga sharciga Baarlamaanka si uu ugala arinsado magacaabida raysal wasaaraha xiga.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this