Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo beenisay in macalimiin Masaari ah loo diiday dal ku galka

Recommended Posts

Deeq A.   

Hey’adda Socdaanka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa beenisay wararka sheegaya in loo diiday visaha dalk ku galka ah Macalimiin ka socday dalka Masar.

Qoraal la soo dhigay barta Facebook ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa lagu sheegay in warkaas uu yahay waxba kama jiraan

“Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) waxay si cad u beenineysaa wararka la soo dhigay qaar ka mid ah baraha Bulshada ee sheegaya in Macalimiin masaari ah loo diidey in ay soo galaan dalka ama joogaan”ayaa lagu yiri war kooban oo Hey’adda soo saartay.

Sidoo kale Hay’addu ayaa waxay caddeyneysay in Xogta iyo sawirada la baahiyay ay been abuur yihiin.

Baraha bulshada ayaa saacadihii la soo dhaafay lagu baahiyay in Macalimiin Masaari ah loo diiday dal ku galka Soomaaliya, taasoo keentay in Hey’addu degdeg u soo saarto qoraal lagu cadeynayo in uusan sal iyo raad lahayn warkaasi,

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this