Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo sii deysay xubno ka tirsan xisbiga Wadani

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya Hargeysa ayaa sheegaya in xalay xabsiga laga sii daayey xubno ka tirsan xisbiga Wadani oo ku xirnaa gudaha magaaladaasi.

Ciidanka Booliska ayaa xabsiga ka sii daayey xoghayaha guud iyo afhayeenka xisbiga mucaaraadka Wadani oo u xirnaa xukuumadda Muuse Biixi.

Xubanahaan oo aan la soo taagin wax maxkamad ah ayaa sii deyntooda waxa ay  ku soo aadeysaa, iyadoo deganaasho laga dareemayo deegaanada Simaliland.

Tallaabada lagu sii daayey xoghayaha iyo afhayeenka Wadani ayaa waxaa soo dhoweeyey guddoomiyaha xisbigaasi, Mudane Cabdiraxmaan Cirro.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalooyinka Somaliland laga dareemayey xiisad u dhexesay xisbiga Wadani iyo xukuumadda Somaliland.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this