Sign in to follow this  
Deeq A.

Masuuliyiintii Xisbiga WADDANI Ee Xidhnaa Oo Xorriyadooda Dib U Helay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Khadar Xuseen Cabdi, Afhayeenka Xisbigaasi Barkhad Jaamac Batuun iyo Cabdi Ibraahim oo ka mid ah waxgaradka magaaladda Hargeysa ayaa goor dhaweyd dib u helay xorriyadooda.

77428468_2634668279954257_80920044176010

Masuuliyiintan oo dhawaan laga qabtay Magaaladda Hargeysa ayay xukuumaddu xorriyadooda u soo celisay, ka dib markii sida la sheegay xadhigooda lagu canaantay xukuumadda.

Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, Hogaamiyaha Xisbigaasi Xirsi Cali Xaaji xasan, Guddoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Xamse Ciise, hogaanka iyo taageereyaasha xisbigaasi ayaa ku sugaya Xubnahan dib u helay xorriyadooda duleedka Magaaladda Hargeysa,kuwaas oo isu diyaarinaya soo dhaweyntooda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this