Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Shiinaha Oo U Yeedhay Safiirka Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-China)-Wasaaradda arrimaha dibedda China ayaa Isniintii u yeedhay safiirka Mareykanka Terry Branstad, si ay cabasho uga muujiso sharci uu ansixiyey Congress-ka Mareykanka oo lagu magacaabo Sharciga Xuquuqda Aadanaha iyo Dimoqraadiyadda Hong Kong.

2F800CB6-7C47-41D2-96EF-D11854AED98C_w10

Wasaaradda ayaa sheegtay in sharcigaas uu la macno yahay faro-gelin lagu sameeyey arrimaha gudaha ee China.

Qoraal ay wasaaradda ku daabacday website-keeda ayey ku sheegtay in wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda Zheng Zeguang uu ku cadaadiyey dowladda Mareykanka “inay saxdo qaladaadkeeda, islamarkaana joojiso faro-gelinta arrimaha Hong Kong iyo China.”

Dibad-baxayaal kasoo horjeeda dowladda ayaa muddo lix bilood ah banaanbaxyo ka waday waddooyinka Hong Kong, xilli ay jiraan rabshado sii kordhaya iyo cabsi laga qabo in China ay sare u qaadi doonto jawaabta ay ka bixineyso qaadacaadda dowladda.

Dibad-baxayaasha ayaa ka cadheysan wax ay u arkaan inay tahay faro-gelin ay China ku sameyneyso xoriyadihii loo ballan-qaaday Hong Kong markii ay Britain dib ugu wareejisay China sanaddii 1997.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this