Sign in to follow this  
Deeq A.

Ugu Yaraan 3 Qof Oo Dhintay Dagaal Beeleed Maanta Ka Dhacay Duleedka Magaalada Ceerigaabo.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen dagaal beeleed maanta ka dhacay deegaanka Waqadariya oo dhinaca Waqooyi Beri ka xiga magaalada Ceerigaabo.

Dadka kale ayaa ku dhaawacmay dagaalka welina xabbada ayaa socota sida ay ii sheegeen dad ku sugan Ceerigaabo oo aan la xidhiidhay.

Dagaalkan ayaa ka dhashay kadib markii Malleeshiyaadku isku qabteen Dahab iyo macdano kale oo laga qoto buurta.

Waqadariya, waa deegaan hodan ku ah Dahabka iyo macdanaha kale, sannadadii u danbaysayna dad is urursaday oo aan xukuumadda Somaliland ogolaansho ka haysan ayaa macdanta ka gurta.

Xukuumadda Somaliland weli wax war ah kama soo saarin dagaalka maanta dhacay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this