Deeq A. Posted November 26, 2019 Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Axmed Ciise Cawad, ayaa kula kulmay dhigiisa Sacuudiga Amir Faisal Bin Farhan Bin Abdallah, magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya. Labada mas’uul ayaa waxa ay ka wada hadleen dadaallada lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga wadajirka ee dhinacyada oo dhan iyo siyaabaha lagu gaari karo danaha u dhexeeya Muqdisho iyo Riyadh. Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee danta labada dhinac ah iyo ahmiyada ay leedahay sii wadida wadatashiga labada dowladood. Halkan hoose ka daawo Sawirada: View the full article Share this post Link to post Share on other sites