Deeq A. Posted November 26, 2019 Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in qoysas hor leh ay isaga hayaameen degmada Awdheegle ee gobolkaasi. Qoysaskaan oo tiradooda lagu qiyaasay illaa 900 oo qoys ayaa waxa ay ka barakaceen roobab mahiigaan ah oo ka da’ay degmadaasi. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in haatan xaalad adag ay ku heysato duleedka degmada Awdheegle ee gobolka Sh/Hoose. Ugu dambeyn qoysaskaan ayaa ka dalbaday Koonfur Galbeed iyo dowladda Soomaaliya in lala soo gaaro gurmad degdeg ah. View the full article Share this post Link to post Share on other sites