Deeq A. Posted November 26, 2019 Ciidamada ammaanka ayaa saacadihii la soo dhaafay si weyn u xoojiyey amniga magaalada Dhuusamameeb ee Caasimadda dowlad goboleedka Galmudug. Saraakiisha ciidamada isku dhafka oo howlgallo cusub bilaabay ayaa sheegay in ujeedka uu yahay, sidii loo xaqiijin lahaa amniga magaaladaasi. Sidoo kale waxa ay saraakiishu sheegeen inay u diyaar garoobeen howlaha doorashooyinka ee la filayo in dhowaan lagu qabto halkaasi. Dhinaca kale waxaa Dhuusamareeb ka socda kulamo iska so horjeedo oo looga arrinsanayo xaaladda Galmudug, gaar ahaan doorashada maamulkaasi. Kulamadaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay guddiga farsamada uu shaaciyey jadwalka doorashada madaxweynaha iyo mida baarlamaanka ee maamulka Galmudug. View the full article Share this post Link to post Share on other sites