Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Nigeria Oo Weerar Ku Qaaday Reer Galbeedka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Nayjeeriya)-Madaxweynaha Nayjeeriya Maxamed Buhaari ayaa iku eedeeyay wadamada reer galbeedka in dhaqamada ay keeneen afrika ay sababeen inuu hoos u dhaco ixtiraamkii iyo qadarintii la siin jiray odoyaasha dhaqanka iyo dadka waayeelka ah ee Afrika

buharim.jpg

Madaxweynaha oo ka hadal ka jeediyay shir laga hadlayay xuquuqda dadka waaeyeelka, kaasi oo ay soo qabanqaabiyeen barlamaanka Urur goboleedka galbeedka qaarada Afrika ee ECOWAS ayaa ku baaqay in la sameeyo siyaasado lagu taageerayo xuquuqda dadka waayeelka ah.

” Ilbaxnimada reer galbeedka darteed, dhaqankeenii sharafta iyo ixtiraamka siin jiray dadka waayeelka ah waa sii yaraanayaa” Sidaas waxaa yidhi madaxweyne Buhari

Wuxuu ku baaqay in dib loo soo celiyo dhaqankii afrikaanka ee sharafta iyo karaamada lahaa ee daryeelka iyo qadarinta siin jiray waayeelka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this