Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo ajaaniib ku xirtay magaalada Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada ammaanka ee maamulka Somaliland ayaa saaka garoonka magaalada Hargeysa ku qabtay sagaal qof oo ajaaniib ah, kuwaas oo xabsiga la dhigay.

Somaliland ayaa dadkaasi oo dhammaan ka soo jeeda dalka Sucuudiga ku eedeysay inay si sharci darro ah uga Kalluumeysanayeen deegaanada maamulkaasi.

Agaasimaha Duur -Joogta Soomaaliland ayaa sheegay in raggaani loo horkeeni doono cadaalada, si looga qaado tallaabo adag.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in Somaliland uu ka jiro sharci, islamarkaana cidkasta oo ku xadgudubta laga qaadi doono tallaabo waafaqsan sharciga.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this