Deeq A. Posted November 26, 2019 Ciidamada ammaanka ee maamulka Somaliland ayaa saaka garoonka magaalada Hargeysa ku qabtay sagaal qof oo ajaaniib ah, kuwaas oo xabsiga la dhigay. Somaliland ayaa dadkaasi oo dhammaan ka soo jeeda dalka Sucuudiga ku eedeysay inay si sharci darro ah uga Kalluumeysanayeen deegaanada maamulkaasi. Agaasimaha Duur -Joogta Soomaaliland ayaa sheegay in raggaani loo horkeeni doono cadaalada, si looga qaado tallaabo adag. Ugu dambeyn wuxuu sheegay in Somaliland uu ka jiro sharci, islamarkaana cidkasta oo ku xadgudubta laga qaadi doono tallaabo waafaqsan sharciga. View the full article Share this post Link to post Share on other sites