Deeq A. Posted November 26, 2019 Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa magacaabay guddiga gurmadka degdega ah oo isugu jira, wasiiro, xildhibaano iyo Culimo. Guddiga oo ka kooban 7 xubnood ayaa waxa ka shaqeyn doonaan, sidii gurmad loo gaarsiin lahaa shacabka ay saameeyeen roobabka iyo wax ka qabashada jidadka go’ay. Halkan hoose ka akriso magacyada: 1. Axmed Bashiir Muuse, Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeeynta Puntland (Guddoomiyaha Guddiga). 2. Faarax Maxamuud Cawaash, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland (Xubin) 3. Cabdiweli Mire Xirsi, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta (Xubin) 4. Xildhibaan Cabdullaahi Yuusuf Muuse (Xubin) 5. Xildhibaan Muuse Siciid Xasan (Xubin) 6. Shiikh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur (Xubin) 7. Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey (Xubin) View the full article Share this post Link to post Share on other sites