Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kormeeray xaafado ay saameeyeen Roobabkii ka da’ay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
5-37.jpg?w=1000&ssl=1

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), oo kormeeray xaafadaha ay sameeyeen roobabkii ka da’ay Muqdisho, ayaa ku amray laamaha Dowladda Hoose iyo waaxyaaha gurmadka degdegga ah, in ay u istaagaan xal u helidda  dhibaatooyinka bini’ aadano  ee ay sababeen  roobabka ka da’ay magalada.

Guddoomiyaha iyo xubno kale oo la socday, ayaa kormeeray degmooyinka Boondheere, Shangaani, Xamarweyne, Wadajir, xamar Jajab iyo isgooska nambar afar,isagoo si gaar ah uga qeybgalay samata bixinta qoys uu ku soo dumay gurigoodo.

 Guddoomiye Cumar Filish oo dhegaystay  xaaladdooda nololeed  ee bulshada degmooyinka uu kormeeray ayaa ka dhawaajiyay sida ay uga go’an tahay Maamulka Gobolku in ay ka shaqeeyaan yareynta xaaladda bini aadanimo  ee soo food-saartay dadka danyrata ah.

Dhanka kale, Guddoomiyaha ayaa amray in la dardar geliyo howlaha faya-dhowrka Caasimadda, degdegna ay howlwadeennada Dowladda Hoose uga shaqeeyeen sidii loo furi lahaa marinnada halbowlaha u ah isu socdka bulshada.

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kormeeray xaafado ay saameeyeen Roobabkii ka da’ay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this