Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo xirtay Sagaal nin oo u dhashay Imaaraadka

Recommended Posts

Deeq A.   
1-71.jpg?w=1000&ssl=1

Ciidanka Booliiska Somaliland, ayaa Xabsiga u taxaabay sagaal nin oo u dhashay waddanka Imaaraatka Carabta, kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay si sharci-darro ah uga ugaarsanayeen degaannada Somaliland.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Degaanka Somaliland, ayaa laga soo xigtay in raggaasi saaka laga qabtay  garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, xilli ay doonayeen in ay ka dhoofaan halkaasi.

Raggaas ayaa sida la sheegayo, waxay  Ugaar badan ku laayeen degaanka Saba-wanaag oo ka tirsan gobolka Waqooyi Galbeed ee Hargeysa xarunta u tahay, waxaana sawiro baraha bulshada la soo geliyay laga arkay raggaasi oo kor dhooban noocya ugaarta kamid ah oo dhulka daadsan.

Bulshada ku dhaqan degaanka Sabo-Wanaag, ayaa warbaahintu ka soo xigatay, in markii raggaasi degaanka yimaadeen, ay dadweynaha u sheegeen in ay mashaariic ka fulinayaan halkaasi, balse markii dambe ay ugaarsi bilaabeen.

PUNTLAND POST

The post Somaliland oo xirtay Sagaal nin oo u dhashay Imaaraadka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this