Deeq A. Posted November 26, 2019 Hoggaanka Ahlu Sunna Waljamaaca oo xalay shir ku yeeshay magaalada Dhuusamareeb ayaa qodobo xasaasi ah ka soo saaray xaaladda guud ee maamulka Galmudug. Qodobada oo ah kuwa xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay arrimaha doorashada ee maamulkaasi, kadib markii guddiga ay magacowday dowladda uu saaray jadwal cusub. Halkan hoose ka aqriso: qodobada. 1: In Ahlusunna ay markale Warqad ashtako ah u dirto Beesha Caalamka,taas oo ay ku sheegayaan in dowladda iska dhega tirtay heshiiskii ay wada galeen,isla markaana ay guda gashay xulista Baarlamaanka Cusub ee Galmudug. 2: in Guddiga Farsamada iyo dhismaha Galmudug ee uu Magacaabey Sheekh Shaakir ay muddo Todobaad gudahood ay kusoo xulaan kuna shaaciyaan Xubno Baarlamaan oo ka kooban 89 Xubnood. 3: In Ahlusunna wadatashi kadib ay soo saari doonto habraaca doorashada Galmudug iyo mowqifkooda howlaha ay dowladda Federaalka ka wado deegaannada Galmudug. 4: In tallaabo kasta oo ay qaadayaan Ahlusunna ay noqdaan kuwo taxadar leh,iyada oo hoggaamiyaha Ahlusunna Maxamed Maxamuud uu walaac ka muujiyey sida ay dowladda u wado dhismaha Maamulka Galmudug. View the full article Share this post Link to post Share on other sites