Sign in to follow this  
Deeq A.

Saameynta Roobabkii Ka Da’ay Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Muqdisho waxaa Labadii cisho ee lasoo dhaafay ka da’ay roob saameyn ku yeeshay dadka barakacayaasha iyo sidoo kale isku socodka dadweynaha.

Gelinkii dambe ee shalay illaa xalay fiidkii waxaa magaalada ka da’ay roob xooggan, waxaana roobkan uu geystay khasaare kala duwan.

Laamiyaraha Zoobe ee magaalada Muqdisho waxaa la sheegay in Hal qof uu ku dhintay, kadib biyo xooggan oo marayey halkaasi oo qofkan qaaday, hoostana ka geliyeen gaari Homey ah oo meesha socday, sidaana uu ku jiiray gaariga.

Inta badan kaamamka ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa iyana ahaa kuwo aan xalay lagu hoyan kadib markii ay galeen biyo badan oo ka rogmaday xaafadaha qaar ee magaalada.

Dhanka kale, waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho qaarkood waxaa fadhiistay biyo badan, halka qaarna uu burbur soo gaaray.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay iney wadaan dedaallo badan oo loogu gurmanayo dadka uu saameeyey roobka.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this