Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya iyo Wefdi uu hoggaaminayo oo shir uga qeyb-gayala dalka Talyaaniga

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir maareeye iyo Wefdi uu hoggaaminayo, ayaa gaaray magaalada Milaano ee dalka Talyaaniga, halkaasi oo ay uga qeybgalaan shir ku saabsan Ganacsiga Dalxiiska,kaasi oo ay martigelinayso dowladda Talyaaniga oo socon doona muddo labo maalmood ah.

Wefdiga wasiirka, ayaa ku soo bandhigaya shirkaasi, fursadaha dhinaca ganacsiga Dalxiisaka ee Soomaaliya kajira, kuwaasi oo wasaaraddu ay waddo dadaalo lagu horumarinayo,sidoo kale wasiirka ayaa lafilayaa uu kulmo gooni gooni ah uu la yeesho madaxda ka qeybgalaysa shirkaasi.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya, ayaa safarka uu ku aaday dalka Talyaaniga, waxaa ku wehlinaya xubno uu ka mid yahay agaasimaha waaxda dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya, ayaa sheegaysa in shirkan uu ahmiyad gaar ah u leeyahay dalka, maadaama wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya, ay waddo dadaal ku jihaysan sidii horumar looga sameyn lahaa fursadaha dhanka ganacsiga dalxiiska ee Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya iyo Wefdi uu hoggaaminayo oo shir uga qeyb-gayala dalka Talyaaniga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this