Sign in to follow this  
Deeq A.

Ahlu-Sunna oo kulan deg deg ah ka leh jadwalkii uu soo saaray guddiga ay magacowday DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wararka laga helayo caawa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa sheegaya in xarunta Inji uu kulan deg deg ah uga socdo hoggaanka ugu sareeya Ahlu-Sunna Wal-Jamaaca.

Kulanka ayaa, sida aan xogta ku helnay, looga hadlayaa arrimo la xiriira soo xulista baarlamanka cusub ee Galmudug iyo jadwalka doorashada Galmudug, oo ay maanta soo saareen guddiga farsamada iyo maamul dhisida Galmudug, ee ay magacaawday wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa ku sugan xubnaha kala ah Macalin Maxamuud, Cabdirisaaq Al-Ashcari iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Waxaa sidoo kale qeyb ka ah guddiga farsamada iyo maamul u sameynta Galmudug ee uu horay u magacaabey Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in hoggaanka Ahlu-Sunna laga yaabo inay go’aano kasoo saaraan jadwalka doorashada ee maanta la soo saarey iyo heshiiskii ay la galeen dowladda federaalka.

Guddiga ay dowladda magacowday ayaa jadwalka doorasho soo saarin, ayada oo aan xal buuxa laga gaarin khilaafkii u dhaxeeyey dowladda iyo Ahlu-Sunna.

Haddii Ahlu-Sunna ay ku gacan seerto jadwalka maanta lasoo saaray, ama ay iskeed u magacowdo jadwal doorasho oo u gaar ah, waxay kasii dari doontaa xiisadda siyaasadeed ee Galmudug.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this