Sign in to follow this  
Deeq A.

Sucuudiga Oo Xabsi Dheer Ku Xukumay 38 Qof Oo Argagixisonimo Lagu Eedeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Maxkamad ku taalla Dalka Sucuudiga ayaa xukun ku ridday 38 Qof, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay Maalgeliyeen Ururrrada Argagixisada.

Sucuudiga.jpg

38-ka Qof ayaa lagu riday Xukuno u dhexeeya 30 Bilood illaa 25 Sanadood oo Xabsi ah.

Sidaana waxa soo weriyey Telefiishanka Dawladda Sucuudiga ee Al Ekhbariya oo soo xiganaya Laamaha Amniga Sucuudiga.

Dadka la xukumay ayaa qaarkood lagu eedeeyay inay sameeyeen Ururro Argagixiso intii ay ku jireen Xabsiga, qaarkoodna ay Maalgeliyeen, halka qaarkoodna lagu eedeeyay inay galeen kooxaha loogu yeedho Takfiirka, sida uu Maanta baahiyay Telefiishanka Al-jazeer.

Sannadkii 2017-kii, Boqortooyada Qaniga ku ah Saliidda ee Sucuudi Carabiya ayaa daah-furay hawl-gal ay ku xidh-xidheen tobanaan hoggaamiye, Aqoonyahanno iyo Adeegayaal bulsho, kuwaasi oo dhammaantood lagu xidhiidhiyey Argagixisonimo.

Bishii April, 37 Nin ayaa Madaxa lagaga jaray Sucuudiga, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay dambiyo galeen, xilligaa Madaxa Qaramada Midoobay u qaabilan Xuquuqda aadamaha ayaa sheegay in Raggaasi ka mid ahaayeen Muslimiinta Shiicada oo uu ku dhacay xukun aan Caddaalad ahayni.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this