Sign in to follow this  
Deeq A.

Ku simaha Madaxweynaha Puntland oo qaabilay Ku-xigeenka Madaxa Hay’adda UNDP ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda Hay’adda UNDP, oo ay hogaaminayso Ku-xigeenka Madaxa Hay’adda UNDP ee Soomaaliya Jacqueline Olweya.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Ku-xigeenka Madaxa UNDP ee Soomaaliya Jacqueline Olweya ayaa ka wada hadlay mashaariicda hada socda ee UNDP ka wado Puntland iyo kuwa qorsheysan in la fuliyo.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo uga mahadceliyey UNDP mashaariicda ay ka wado Puntland, ayaa u gudbiyey Madaxda UNDP in waxqabadkooda ay ku saleeyaan hadba baahida ka jira deegaanada.

Kulanka uu Madaxweyne ku-xigeen Axmed Karaash la yeeshay Ku-xigeenka Madaxa UNDP ee Soomaaliya Jacqueline Olweya, waxaa sidoo kale goobjoog ahaa Wakiilka UNDP ee Puntland Muuse Ducaalle iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.

1-69.jpg?w=1000&ssl=1 2-49.jpg?w=1000&ssl=1 3-44.jpg?w=1000&ssl=1 4-40.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Ku simaha Madaxweynaha Puntland oo qaabilay Ku-xigeenka Madaxa Hay’adda UNDP ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this