Sign in to follow this  
Deeq A.

Kusimaha Madaxweynaha Puntland oo Guddi u magacaabay Waxyeelada ka dhalatay Roobabkii ka da’ay Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
8-18.jpg?w=1000&ssl=1

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Ahna kusimaha Madaxweynaha, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shir-guddoomiyey kulan deg deg ah oo Dowladdu ka yeelatay sidii wax looga qaban lahaa waxyeelada ka dhalatay Roobabkii ka da’ay Gobolada Puntland.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen Xubno ka tirsan Labada Gole Dowladda , Hay’adda Wadooyinka Puntland, Hay’adda Maareynta Masiibooyinka ee HADMA, Masuuliyiinta Mashruuca (TIS+ ee Hayádda USAID) iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Puntland, waxaa lagu soo bandhigay warbixinaha hordhaca ah ee laga hayo khasaarikhii ka dhashay Roobabkii da’ay, oo ay ka Wadooyink go’ay sida Wadada Lafa Goroyo ee Gobolka Gardafuu, Wadada Laasqoray- Ceelaayo ee Gobolka Sanaag iyo Wadada laamiga ah ee isku xirta Boosaaso iyo Garoowe.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa magacaabay Guddi isugu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo Culimo, kuwaasi oo ka shaqeyn doona wax ka qabashada khasaarihii ka dhashay Roobabka iyo abaabulka sidii loogu gurman lahaa dadka waxyeeladu gaartay.

Ugu danbeyn Madaxweyne Ku-xigeen Axmed Karaash wuxuu ku baaqay Dowladd, Shacab iyo Hay’addaha deeqaha bixiya in dhammaan la isu taago sidii loogu gurman lahaa dadka dhibaateysan, oo ay ugu horeyso meelaha xaaladdaha adag ka jiraan sida Gobolka Gardafuu.

Hoos ka daawo muuqaalka iyo sawirada

  • 1-68.jpg?w=1000&ssl=1
  • 3-43.jpg?w=1000&ssl=1
  • 4-39.jpg?w=1000&ssl=1
  • 5-36.jpg?w=1000&ssl=1
  • 6-34.jpg?w=1000&ssl=1
  • 8-18.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Kusimaha Madaxweynaha Puntland oo Guddi u magacaabay Waxyeelada ka dhalatay Roobabkii ka da’ay Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this