Deeq A. Posted November 25, 2019 Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in wabiga Shabelle uu fatahaad hor leh ka sameeyey deegaano ka tirsan gobolkaasi. Wabiga ayaa saacadihii la soo dhaafay ku fatahay deegaanada Jameeco Misro-Yarey iyo Jameeco Mubaarak oo dhaca bariga magaalada Jowhar ee xarunta HirShabelle. Axmed Sh. Isaaq oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa Shabelle u sheegay in xaalado daran oo dhinaca nolosha ah ay ka jiraan deegaanadaasi iyo tuulooyinka ku xeeran. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in biyuhu ay jareen dalagyadii ku yiilay beeraha, islamarkaana ay khasaaro kala kulmeen daadadkaasi. Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in go’doon ay ku jiraan, welina aysan helin wax gurmad ah, isagoona ugu baaqay dowladda dhexe inay caawimaad la soo gaarto. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/COdf.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites