Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulamo xasaasi ah oo weli ka socda M/Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Kulamo is daba joog ah oo looga arrinsanayo dhismaha Galmudug ayaa weli ka socda magaalada Dhuusamarereeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in kulamadaani ay u dhexeeyaan hoggaanka Ahlu Sunna iyo guddi ganacsato reer Galmudug ah oo xal u raadinaya xiisada ka taagan maamulkaasi.

Intooda badan kulamada ayaa waxaa diirada lagu saaray tabashada Ahlu Sunna Waljamaaca, gaar ahaan xildhibaanada ay rabto inay ku yeelato baarlamaanka cusub.

Shirarka oo weli socda ayaa waxaan ka soo bixin wax natiijo ah, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Xaaladda Galmudug ayaa haatan u muuqata mid sii cakirmeysa lamana oga sida uu ku suura-geli doono jadwalka doorashada ee maanta la soo saaray.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this