Sign in to follow this  
Deeq A.

Jadwalka doorashada Galmudug oo la shaaciyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Guddiga doorashada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa shaaciyay Jadwalka xulista Baarlamaanka 2aad ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Guddiga ayaa u asteeyey in 25 – 28 Bishaan inay noqoto waqtiga la xaqiijinayo Odayaasha dhaqanka Maamulka Galmudug.

Sidoo kale Guddiga ayaa sheegay in 29 November illaa 09 December lasoo xuli doono Xildhibaanada maamulka Galmudug.

10-12 December ayey sheegeen in la howlgelin doono Baarlamaanka Galmudug, halka 13-16 December la dooran doono Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaas.

Ugu dambeyntii Guddiga ayaa 17-23 December u iclaameeyey inay dhici doonto doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Halkaan hoose ka akhriso jadwalka

 

74664512_458811164636775_746881399591534

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this