Deeq A. Posted November 25, 2019 Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Guddiga doorashada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa shaaciyay Jadwalka xulista Baarlamaanka 2aad ee Dowlad Goboleedka Galmudug. Guddiga ayaa u asteeyey in 25 – 28 Bishaan inay noqoto waqtiga la xaqiijinayo Odayaasha dhaqanka Maamulka Galmudug. Sidoo kale Guddiga ayaa sheegay in 29 November illaa 09 December lasoo xuli doono Xildhibaanada maamulka Galmudug. 10-12 December ayey sheegeen in la howlgelin doono Baarlamaanka Galmudug, halka 13-16 December la dooran doono Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaas. Ugu dambeyntii Guddiga ayaa 17-23 December u iclaameeyey inay dhici doonto doorashada Madaxweynaha Galmudug. Halkaan hoose ka akhriso jadwalka Share this post Link to post Share on other sites