Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya Oo Markale Kaalinta Koowaad Ka Gashay Dalalka Ugu Musuqa Badan Caalamka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Warbixin dheer oo ka soo baxday hay’adda Transparency International ayaa waxaa markale lagu sheegay in Soomaaliya ay kaalinta koowaad ka gashay wadamada ugu musuq-maasuqa badan Caalamka.

brazil-argentina-and-world-flags_fa79139

Transparency International ayaa warbixinteeda sannadlaha ah ku sheegtay in Soomaaliya ay hoggaamineyso wadamada uu la degay musuqa, iyadoo la timid 10%.

Sidoo kale waxa ay sheegtay inay ku soo xigaan dalalka Sudan, South Sudan, Guinea Bissau, Yemen, Equatorial Guinea, Syria, Afghanistan, Liby iyo North Korea.

Dhinaca kale warbixintaan ayaa waxaa lagu soo bandhigay dalalka horumarka ka gaadhay la dagaallanka musuq-maasuqa, kuwa musuq la’aanta ah.

Denmark ayaa noqotay dalka ugu horreeya ee la dagaalama musuqa, iyadoona wadamada Mareykanka, Hungary, iyo Brazil loo aqoonsaday kuwo musuqa uu ku kordhayo, loona baahanyahay in isha lagu hayo, si wax looga qabto.

Ugu dambeyn warbixinta hay’adda Transparency International ayaa lagu sheegay in wadamada aadka ula dagaalamaya musuq-maasuqa ee hadda soo kabanaya ay kala yihiin Estonia, Ivory Coast, Senegal, Guyana, Australia, Chile, Malta iyo Mexico.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this