Sign in to follow this  
Deeq A.

Iska hor imaad khasaaro geystay oo ka dhacay Dayniile

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay mid kalena wuu ku dhaawacmay, kadib iska hor imaad xalay ka dhacay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Israaseyntaan ayaa timid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kooxo burcad ah oo dhac ka geysanayey xaafadda Gubta ee degmadaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga dowladda oo ku aadan dagaalkaasi.

Xaaladda ayaa saaka degan, iyadoona ciidamada Boolisku ay howlgallo ballaaran ka sameeyeen gudaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this