Deeq A. Posted November 25, 2019 Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay mid kalena wuu ku dhaawacmay, kadib iska hor imaad xalay ka dhacay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir. Israaseyntaan ayaa timid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kooxo burcad ah oo dhac ka geysanayey xaafadda Gubta ee degmadaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga dowladda oo ku aadan dagaalkaasi. Xaaladda ayaa saaka degan, iyadoona ciidamada Boolisku ay howlgallo ballaaran ka sameeyeen gudaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir View the full article Share this post Link to post Share on other sites