Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddigiii Tiknaloojiyadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xarunta Madaxtooyada casho sharaf ugu fidiyey Guddigii qabanqaabada Madasha Tiknaloojiyadda ee Muqdisho, martidii ka qeyb gashay iyo maalgeliyeyaasha waddaniga ah ee ka qeyb qaatay qabsoomidda Shirweynahan.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay ganacsatada Soomaaliyeed ee sida is-xilqaannimada ah u maalgeliyey qabsoomidda Madasha Tiknaloojiyadda ee Muqdisho, waxa uuna tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la dhiirri geliyo dhallinyarada maskax-shiilka ah ee ku hamminaya in ay la tartamaan dunida casriga ah.

“Maalgelinta aad u sameyseen barnaamijkan macno weyn ayey leedahay, sababtoo ah waxaad ku dhiirri geliseen dhallinyaradeenna hal abuurka iyo curinta, kuwaas oo fure u ah horumarka dalkeenna iyo sidii aan ula tartami lahayn dalalka kale ee caalamka.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga warbixiyey dhallinyarada qaban qaabisay iyo hal abuureyaasha Soomaaliyeed ee ka qeyb galay Madashan qorshaha Dowladda ee ku qotoma joogteynta bandhigyada hal-abuurka dhallinyarada, diyaarinta qorsheyaal Qaran oo ku wajahan horumarinta tiknaloojiyadda iyo xarummo cilmi bariseed.

Dhankooda, daneeyeyaasha tiknoloojiyadda, guddiga qaban qaabada, maalgeliyeyaasha iyo hal abuureyaasha Soomaaliyeed ee la kulmay Madaxweynaha ayaa la wadaagay miro-dhalka Madasha tiknaloojiyadda ee sanadkan, farriintooda ku aaddan horumarinta dhanka cilmiga iyo dib u kabashada dalka.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

66-1024x683.jpg

00-1024x683.jpg 1--1024x683.jpg 22-1024x683.jpg 33-1024x683.jpg 44-1-1024x594.jpg 55-1024x683.jpg  77-1024x683.jpg 88-1024x702.jpg 99-1024x682.jpg 111-1024x683.jpg aaa-1024x701.jpg bbbb-1024x656.jpg ddd-1024x683.jpg jjj-1024x706.jpg nnn-1024x682.jpg ooo-1024x683.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this