Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland: Xubno lagu muransanaa oo la dhaariyey

Recommended Posts

Deeq A.   
78179677_2529923613788143_84304476773170

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta madaxweyne Muuse Biixi hortiisa ku dhaariyey xubnaha cusub ee Komishanka doorashooyinka ee dhawaan la dhisay.

Xubnahan cusub ee komishanka doorashooyinka Somaliland oo dhawaan uu ansixiyey golaha wakiillada Somaliland, ayaa la mariyey dhaarta Dastuuriga ah, si ay u gudo galaan gudashada shaqooyinka loo igmaday.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhaarta kaddib xubnaha komishanka cusub dardaaran adag u jeediyey, waxaana uu ku adkeeyey inay dhawraan caddaaladda iyo sinnaanta, islamarkaana garsoorkooda bud-dhig uga dhigaan Kitaabka Eebbe ee ay ku dhaarteen maanta.

Xubnahan ayaa ka kooban 6 xubnood, waxaana ka maqan xubintii xisbiga mucaaradka Waddani u matali lahayd Komishanka doorashooyinka Somaliland.

Guddiga maanta la dhaariyey waxaa ka taagan muran xoogan oo u dhaxeeya mucaaradka iyo Xukuuumadda uu hoggaaminyo Muuse Biixi.

PUNTLAND POST

The post Somaliland: Xubno lagu muransanaa oo la dhaariyey appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this