Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda sare oo markale u fariisatay dacwada xisbiga Himilo Qaran

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda sare ee dalka ayaa maanta markale bilowday dhageysiga dacwadda xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggamiyo Madaxweynihii hore ee dowladdii kumeel gaarka aheyd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Dacwadan oo la xariirto is hortaagii lagu sameeyey Sheekh Shariif oo ku sii jeeday Kismaayo ayaa xisbigu wuxuu gudbiyey 6-dii bishii October ee sanadkan ee 2019-ka.

Wararka ayaa sheegaya in goor dhow ay bilaabatay dooda u dhaxeysa xeer-ilaaliyaasha Qaranka iyo Garyaqaanada u doodaya xisbiga Himilo Qaran.

18-kii bishan ayey rasmi ah maxkamaddu uguda gashay dhageysiga dacwadan oo salka ku heyo arrimo maamul, waxaana fadhigaasi ka qeyb galay guddoomiyaha maxkamadda sare, garsoorayaal, wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada iyo xubno ka socda Himilo Qaran.

Lama saadaalin karo natiijada ka soo bixi karta dacwaddan iyo sida ay wax noqon doonaan, balse waxaa muuqata inay si aad ah maxkamaddu uga daahday dhageysiga kiiskan oo noqonaya kii ugu horreeyey noociisa oo ay qabato maxkamadda sare.

Wixii soo kordha kala soco: caasimada.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this