Sign in to follow this  
Deeq A.

Laamaha Amniga Ciraaq Oo Si Badheedh Ah U Toogtay Dibadbaxayaal Diidan Dowladda Ciraaq

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Ciraaq)-Ugu yaraan shan qof oo dibadbaxayaal ah ayaa ku dhintay halka tiro kalena uu dhaawac ka soo gaadhay Axadii shalay dibadbax ka dhac qeybo ka mid ah koonfurta dalka Ciraaq.

1574616945ed17e.jpg

Saraakiisha caafimaadka iyo laamaha Amniga ayaa xaqiijiyay warkaan iyadoo laga cabsi qabo in khasaaraha ka dhashay isku dhaca dhaxmaray ciidanka amniga iyo shacabka uu sii kordho.

Magaalada Naasiriyah ayaa ciidanka booliska waxay rasaas nool nool u adeegsadeen shacabka si ay u hakiyaan dibadbaxa iyadoo goob-joogayaaal ay u xaqiijiyeen in saddex qof lagu dilay goobta.

Isku dhacaan ayaa dhanka kale waxaa ku dhaawacmay Inkabadan Konton qof waxaana dab la qabadsiiyay xafiisyo ay dowlada leedahay.

Dibadbaxyada ka socda dalka Ciraaq ayaa shacabka waxay ku dalbanayaan helida adeegyada aas aasiga u ah nolosha sida biyaha Korontada iyo shaqo abuur loo sameeyo dhalinyada.

Dalkaan carbeed oo ka mid ah wadamada hodanka ku ah shidaalka ayaa dadkiisa waxay la dhibtoonayaan shaqo la’aan iyo dhaqaale-darro baahsan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this