Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin si la yaab leh diyaaradaha ku raaci jiray oo la qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Nin si la yaab leh diyaaradaha ku raaci jiray oo la qabtay.

Nin lagu magacaabo Rajan Mahbubani, una dhashay dalka Hindiya ayaa lagu qabtay Magaalada Delhi, kadib markii la ogaaday in qaab la yaableh u ku raaci jiray diyaaradaha.

Ninkan oo da’diisu ay tahay 48 sano jir ayaa xiran jiray direyska duuliyeyaasha shirkadda duulimaadyada ee Lufthansa, si uu u khaldo shaqaalaha garoonka , looguna oggolaado in uu dhaafo albaabada la isku baaro.

Farsamada uu adeegsan jiray ayaa u shaqeysay Rajan kahor inta aanan lagu xirin garoonka Gandhi International.

Booliska dalka Hindiya ayaa sheegay in markii la ogaaday ninkan uu doonayay in uu raaco diyaarad ay leedahay shirkadda AirAsia oo kusii jeeday Magaalada Kolkata.

Taliye ku xigeenka booliska ee garoonka ayaa warbaahinta CNN u sheegay in shaqaale kamid ah shirkadda Lufthansa uu arkay ninkan, kadibna uu ku wargeliyay laamaha ammaanka ee garoonka, isagoona u sheegay in uu arkay qof uu ka shakiyay, kaas oo iska dhigayay duuliyeyaasha shirkadda Lufthansa.

Mahbubani, oo ka soo jeeda Magalaada New Delhi ayaa booliska waxaa kale oo ay shegeen in uu watay kaar aqoonsi oo been abuur ah, una adeegsan jiray in uu ku galo garoonka, si uu u helo mudnaan gaar ah.

“Kadib markii la xiray, Mahbubani waxaa uu inoo sheegay in u muuqaalo ku saabsan arrimaha duulimaadyada kasoo duubo garoonka oo uu soo dhigo YouTube iyo TikTok, kaarka aqoonsigana uu ka helay dalka Thailand,” ayuu yiri taliye ku xigeenka booliska ee garoonka, Mr Bhatia.

.Booliska ayaa gacanta ku dhigay ninkan

Ninkan ayaa waxaa kale oo uu booliska u sheegay in waligiiba uu jeclaa in uu ku labisto dareys kala duwan, waxaana booliska ay taleefonkiisa gacanta ka heleen sawiro muujinaya ninkan oo xiran dareeska ciidmamada milateriga.

“Mahbubani waxaa uu sheegay in marwala uu raaci jiray diyaaradaha isagoo xiran dareyska duuliyeyaasha, sidaas na uu uga gudbi jira albaabada la isku baaro, mudnaan gaar ahna la siin jiray,” ayuu raaciyay Bhatia.

Wuxuu intaa ku daray in ninkan uu adeegsan jiray albaabka ay isticmaalaan shaqaalaha shirkadaha diyaaradaha.

Waxaa uu haatan ku jiraa gacanta booliska, waxaana lagu soo eedeeyay dembiyo ay ka mid yihiin khiyaano iyo in uu iska dhigay wax uusan ahayn.

Haddii dembigan lagu helo, waxaa laga yaabaa in lagu xukumo xabsi, ganaax ama labaduba. Ma ahan markii ugu horeysay oo dhacda noocan oo kale lagu arkay dalka Hindiya, gaar ahaan garonka Gandi.

Waxay ahayd dabayaaqadii bisha Sabtembar ee sanadkan, kadib markii nin 32 jir oo lagu magacaabo Jayesh Patel uu iska dhigay odhay 81 jir ah, sii uu u raaco diyaarad u socotay Magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this