Deeq A. Posted November 25, 2019 Ciidanka amniga Puntland ee loo yaqaano (PSF) ayaa sheegay in maanta oo taariikhdu tahay 25 November 2019, hawlgalo ka dhan ah kooxda Daacish ay ka sameeyeen buuraleyda degaanada Gol-cadaabeed iyo Moqor ee Buuraha Cal Miskaat. “Hawlgalkani waxaa uu qayb ka yahay hawlgallo joogto ah oo ay muddooyinkan dambe ciidanka PSF ka wadeen buuraleydaas si looga sifeeyo degaanadaas Al-Shabaab iyo Daacish” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay ciidanka PSF ee dowlad goboleedka Puntland. Laguma sheegin qoraalka waxyaabaha ay ciidamadu ku soo qabteen howlgalkooda iyo haddii ay jiraan wax iska horimaadyo ah oo dhexmaray ciidamada iyo kooxda Daacish. Puntland ayaa dagaal kula jirta Al-Shabaab iyo Daacish oo ku sugan buuraleyda Galgala iyo Cal Miskaat ee G/Bari, kuwaas oo mararka qaarkood soo qaada weeraro kala gedisan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites