Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa Looga Hadlayaa Kulanka Maanta Ee Xildhibaannada Golaha Shacabka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah waxay kulan ku leeyihiin magaalada Muqdisho, kaasi oo arrimo dhowr ah looga hadli doono.

Waxa ay xildhibaannada ay akhrinta Labaad marsiin doonaan ku noqoshada miisaaniyadda dowladda ee sanadkaan, kaas oo horey loo mariyey akhrinta Koowaad.

Waxaa jira xildhibaanno dhaliilsan xukuumadda federaalka, kuwaasi oo sheegay iney ku tumatay hantidii shacabka, welina aanay jirin cid ay shaqaaleysiiyeen.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this