Sign in to follow this  
Deeq A.

“Xukuumadda Madaxdii Xisbiyada Af-duubatay Ee Iyagoon Maxkamadi Xukumin Xabsigii Mandheera U Dirtay, Ee Aan Sharciga Iyo Dookheeda Kala Aqoon Ayaan Doorasho Iyo…” Abwaan Weedhsame

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil Weedhsame ayaa ka hadlay muddo-kordhinta ay maanta sameeyeen golaha guurtida Somaliland waxaanu xukuumadda ku dhaliilay dib u dhaca doorashooyinka.

abwaan-weedhsame-1024x683.jpg


Abwaan Weedhsame ayaa sidoo kale ka hadlay xadhigga mas’uuliyiinta xisbiga WADDANI waxaanu ku yidhi qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook “Xumuumadda xilkeeda weeyaan qabashada doorashooyinku. Imikana xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ayaa guul-darraysatay oo kaalinteedii gabtay.

Laakiin anigaaba waalane, ma xukuumadan madaxdii xisbiyada af-duubatay ee iyagoon maxkamadi xukumin xabsigii Mandheera u dirtay, ee aan sharciga iyo dookheeda kala aqoon ayaan doorasho iyo wax weyn kala hadlayaa!!!!!”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this