Deeq A. Posted November 24, 2019 Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya inay barqanimadii maanta dowladda Kenya ciidamo dheeraad ah soo dhoobtay degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi. Ciidamadaasi oo qeyb ka ah kuwa Milatariga Kenya ayaa la sheegay in dhaq dhaqaaqyo cusub ay ka bilaabeen halkaasi. Sidoo kale wararka qaar ayaa ku warramaya in ujeedka loo keenay ciidamadu yihiin inay difaacaan Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo ku sugan halkaasi, kaas oo ay xiisad kala dhexeyso ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya. Xaaladda ayaa hadda ah mid kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo gobollka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites