Sign in to follow this  
Deeq A.

Madasha Xisbiyada oo war kasoo saaray xadgubyada Itoobiya ee Gedo iyo ‘ballan uu uga baxay’ Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madasha Xisbiyada Qaran ayaa soo saaray digniin ku aadan xadgudubyo ay sheegeen in Ciidamada Itoobiya ka wadaan Gobolka Gedo ee Dalka Soomaaliya.

Madasha ayaa sheegtay inay xadgudubyadaan Ciidamada Itoobiya si gaar ah uga wadaan degmooyinka Luuq, Doolow iyo Beled-xaawo halkaas oo ay Dowladda Soomaaliya maalmihii ugu dambeeyey ka waday dhaq dhaqaaq siyaasadeed iyo mid milateri si loogu cadaadiyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

War saxaafadeedka kasoo baxay madasha ayaa lagu sheegay in kulankii Madaxda Madasha Xisbiyada Qaran Arbacadii la soo dhaafay la yeesheen Madaxweyne Farmaajo ay kala hadleen arrimaha Jubbaland iyo Gedo.

Madasha ayaa sheegtay in Madaxweyne Farmaajo uu ka baxay ballantii uu ka qaaday isla markaasna uu ka gaabiyey mas’uuliyaddii loo igmaday, taasoo madasha ay ku sheegtay inay tahay ballan ka bax ku aadan heshiisyadii ay madaxweynaha lasoo galeen.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ugu baaqay Dowladda Itoobiya inay faraha kala baxdo arrimaha siyaasadeed ka taagan gudaha Soomaaliya isla markaasna ay ilaaliso daris wanaagga.

Halkaan hoose ka akhriso war murtiyeedka oo dhameystiran

78674039_2620589658035271_10356972785699 78109783_2620589651368605_84025962875762

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this