Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Maxkamadda CQS oo riday xukun adag

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa Maanta waxa ay xukun ku riday labo nin oo uu ku jiro Ismiidaamiye rabay inuu isku qarxiyo degmada Guriceel ee G/Galgaduud.

Labadda eedeysane ee xukunka lagu riday ayaa lagu kala magacaabaa Maxamuud Cabdi Cabdiraxmaan oo ah ninkii fulin rabay qaraxa iyo Cali Dhubad Nuure Siyaad oo labadaba ku eedeysnaa inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa Sheegay in labada eedeysane lagu helay danbigii lagu soo eedeyey isla markaana lagu xukumay xabsi daa’in.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

xabg-696x423 xabsi-daain-696x385 xabsi2-696x434

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this