Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo u safray dalka Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta safar ugu ambabaxay magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in wafdiga uu hoggaaminayo, Axmed Madoobe ay diyaarad gaar ah ka qaaday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Ujeedka socdaalkaani ayaa lagu sheegay inuu la xariiro xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Madaxweynaha Jubbaland uu kulamo kala duwan la qaadan doono madaxda sare ee dowladda dalka Kenya.

Waa safarkii ugu horreeyey ee Axmed Madoobe ku tegayo gudaha dalka Kenya, tan markii dib loogu doortay hoggaanka maamulkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this