Sign in to follow this  
Deeq A.

Mahad Maykon Oo Loo Magacaabay Tababaraha Kooxda Heegan

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka kooxda Heegan ayaa xilkeeda tababarnimo u magacaabay laacibkoodii hore Mahad Maxamed Xaaji (Mahad Maykon) oo ka mid ahaa xidigihii soo maray naadigan ciidanka booliska Soomaaliyeed.

67528265_2246720992308509_30252844640465Laacib Mahad ayaa Heegan Sports Club ka mid ahaa intii u dhaxeesay sanadihii 2009-2016 intii uu joogay Heegan hal mar ayuu la qaaday horyaalka Somalia Premier League waxayna aheyd 2015-2016 waxaana kolkaa kooxda Heegan macallin u ahaa Axmed Cabdiraxaan Cumar Gadaamow oo hada macallinka Rajo.

17202856_1745307565783190_52427153580888

Iminka Macallin Mahad Mayon waa tarjumaanka dhinaca luuqda ee tababarayaasha xulka qaranka Soomaaliya,isagoo booskan ku shaqaynay tan iyo bishii March 2019 wuxuuna xulalka kala duwan ee qaranka u raacay safaro kala duwan oo muhiim ahaa bilooyinkii lasoo dhaafay.

75453516_2447083018883780_42105065364908
“Xariirka Kubadda cagta waxaan kala hadli-doonaa in aan hakinayo shaqadii aan u ahayay maadaama maamulka kooxda Heegan ay igmadeen shaqo adag oo u baahan in la geliyo waqti badan iyo kooxda ay isku diyaariso tartamada ay ka qeyb galayso” ayuu tababare Mahad u sheegay Goobjoog Sports.72553963_2302009186779689_78316419539292
Saaxiibada iyo ciyaartooydii ay isku waqtiga ahaayeen macallin Mahad ayaa u rajeeyay in xilkan loo magacaabay ugu soo baxo si wanaagsan in uu naadiga gaarsii meel u aad wanaagsan maadaam oo aqoon iyo qibrado wanaagsan sanadihii u danbeeyay qaatay.

48356522_2102742273373049_18506613358015“Xilkan ma ahan wax fudud waxaane Alle,waa shaqo u baahan in waqti badan la geliyo lana dhiso koox awoodo badan aniga oo kaashanayo aqoontooyda iyo saaxiibayda kubbadda cagta waxaan dhisiyaa koox awood u badan oo u tartamaysaa tartamada gudaha iyo dibadda” ayuu markale Goobjoog Sports u sheegay tababaraha cusub ee kooxda Heegan Mahad Maxamed Xaaji (Mahad Maykon).

58616484_2184302758550333_58709725599183

Si kastaba kooxda ciidanka booliska ee Heegan ayaa baadigoobaysa hanashada horyaalka Somalia Premier League oo ay u danbeesay fasal ciyaareedkii 2015-2016.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this