Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo sheegtay in ay ku dhowaad 10 askari ka dishay ciidamada dowladda Federaalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay in ay ku dhowaad 10 askari ku dileen qarax culus oo ay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada hoose kula eegteen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay malayshiyaadka Al-shabaab ayey ku sheegteen in ay halkaasi ku dileen ilaa 7 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya kadib markii ay qarax culus la beegsadeen inkastoo Taliska ciidamada dowladda ee ku sugan demada Awdheegle aysan weli war ka soo saarin sheegashada Al-shabaab.

Haddana wararka laga helayo Awdheegle ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay xalay ilaa saaka halkaasi ka wadaan hawlgallo baaritaan ah oo lagu sameynayo gudaha degmada iyo tuulooyinka hoosyimaada.

Sidoo kale dadka degaanka ayaa laga soo xigtay in duleedka Awdheegle mararka qaarkood laga maqlayo rasaas goos-goos ah taasi oo ay ridayaan ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ee hawlgalka halkaasi ka wada.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo sheegtay in ay ku dhowaad 10 askari ka dishay ciidamada dowladda Federaalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this