Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya oo xukuntay nin isku qarxin rabay Xaflad ka socotay Guriceel

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda Derejada kowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa saaka xukun xabsi daa’im ah ku ridday, laba eedaysane oo lagu helay in ay ka tirsan yihiin malayshiyaadka Al-shabaab, gaar ahaanna Qeybta Qaraxyada iyo Sahaminta.

Mid kamid ah labada eedaysane oo magaciisu yahay, Maxamuud Cabdi Cabdiraxmaan ayaa Maxkamaddu sheegtay in la qabtay, xilli uu doonayay in uu isku qarxiyo xaflad ay goob-joog ka ahaayeen madaxda maamulka Galmudug oo ka socotay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Eedaysanaha labaad oo lagu magacaabo Cali-Dhubbad Nuuro Siyaad, ayaa isna Maxkamaddu sheegtay  in uu ahaa Shakhsigii soo Sahmiyay goobta ay ka dhacaysay xafladdaasi, ka hor inta aan eedaysanaha kowaad isku dayin in uu ku qarxo xafladda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Derejada kowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, G/Sare Xassan Cali Nuur Shuute, oo ku dhawaaqay xukunka labada eedaysane, ayaa sheegay in ay fursad u haystaan 30 cisho oo Rafcaan ah, haddii aysan ku qancin xukunkaasi.

Hoos ka daawo muuqaalka oo dhan

PUNTLAND POST

The post Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya oo xukuntay nin isku qarxin rabay Xaflad ka socotay Guriceel appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this